SAWIRRO: Ciidamada Ammaanka oo waxyaabaha qarxa iyo miino ka helay xaafad ka tirsan Muqdisho

0

(Muqdisho) 26 Nof 2018 – Ciidamada amniga ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodanw ee magaalada Muqdisho ku guuleystay in ay fashiliyaan qarax Miino oo la galiyay wadada dhinaceeda.

War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidd iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayna soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinadaasi oo ku aasnayd xaafadda KPP ee degmaad Hodan.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen ciidanka Booliska iyo Nabadsugidda,kuwaasi oo gacan ka helaya shacabka degmada Hodan.

Hadalsame Media