Shirkad Shiinays ah oo la wareegtey shidaal baarista Iiraan kaddib cunaqabatayntii Maraykanka

0

(Tehraan) 26 Nof 2018 – Hay’adda ay Chinese-ku leeyihiin ee CNPC ayaa bedeleeysa sharikadda Faransiiska ah ee Total dhanka shidaal baarista Iiraan, sida uu sheegay Wasiirka Saliidda ee Bijan Zanganeh.

Sharikadda Faransiiska ayaa dalkaa ka baxday kaddib cunaqabatayntii Maraykanka, iyadoo ay ICANA sheegtay in sharikadda Chinese-ku la wareegayso shidaal baarista wejiga 11-aad ee saliidda dalkaasi.

“Waxaannu wada hadal kala leennahay CNPC… dhanka goorta ay howlgeli doonaan oo ay shaqada bilaabayaan,” ayuu yiri Zanganeh.

Sharikadda French-ga ah ayaa mashruucan ku leh 50.1 boqolkiiba, halka CNPC ay ku howlgeleeyso 30 boqolkiiba. Total ayaa ahayd sharikaddii ugu horreeysey ee reer Galbeed ah ee dalkaasi maalgashata kaddib qaadistii cunaqabataynta 2015.

Hadalsame Media