Israel oo la kulantay madaxwaynaha Tchad sheegtayna inay xiriir la samaynayso Somalia + Sawirro

0

(Tel Aviv) 26 Nof 2018 – Madaxweynaha Tchad, Idriss Déby, ayaa haatan booqasho ku jooga dalka Israel, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benyamin Netanyahu, oo xafiiskiisa ku qaabbilay kuna tilmaamay booqashada Déby mid taariikhi ah.

Idaacadda Caalamiga ah ee Faransiiska, RFI, ayaa warbixin ay galabta uga hadashay booqashada waxay ku gunaanadday in Netanyahu oo xiriirkiisa diblomaasiyadeed ee Afrika xoojinaya, laba sano gudahoodna booqday saddex dal oo Afrika ah uu rajeynayo in Tchad kaddib uu xiriir wanaagsan la yeesho dalal ay ka mid yihiin Mali iyo Soomaaliya.

Labadan mas’uul ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan dhinacyada ammaanka iyo dhaaqaalaha, iyadoo uu dalka Tchad hodan ku yahay macdanta Uranium-ta iyo kuwo kale.

Lama oga sida ay Yuhuuddu xiriir ula yeelan karto Somalia oo aysan abid yeelanin wax xiriir diblomaasi ah oo toos ah.

Hadalsame Media