DHACDO YAAB LEH: Gaari ka mid ahaa kuwii saaka is qarxin lahaa oo la xaday + Sawirro (Arrintan oo khasaarihii yaraysay)

0

(Gaalkacyo) 26 Nof 2018 – Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii kusoo baxay qaraxayadii iyo weerarkii saakay ayaa markii uu gaaray goobta waxaa uu watay gaari yaallay halka weerarku uu ka bilowday kaasoo ay dadkii ku sugnaa goobta sheegeen inay arkayeen isagoo daaran oo furuhu ku jiro.

Wiilka ayaa ayaa la sheegay inuu deeto gaariga la soo aaday dhanka xaafaddiisa, isagoo u dhow gurigiisa ayuuna qarxay gaariga sidaa ayuuna wiilkii ku geeriyooday.

Arrintan ayaa si ahaan yaraysay khasaare badan oo goobta ka dhici lahaa, waayo haddii aan gaarigas meesha laga qaadi laheyn waxaa ku dhamaan lahaa dad badan oo ku sugnaa goobta qaraxa kuwasi oo isaga kala yimid guud ahaan xaafadaha Gaalkacyo.

Xigasho: Liibaan Cajiib oo goobta jooga

Hadalsame Media