Faahfaahin ku saabsan qarax gaari oo dhacay degmada Madiina ee Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 26 Nof 2018 – Wararka laga helayo degmada Madiina gaar ahaan xaafadda Kaawogodey ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ka dhacay kaasoo sababay khasaare soo gaaray dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan oo la sheegay inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa siday la dhigay suuq Jaadka lagu iibiyo ayaa sababay dhimashada dad ka badan shan ruux iyo dhaawaca ku dhawaad toboneeyo kale.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi sidoo kale gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ee caafimaadka iyagoona daabulay dhaawacyo badan.

Saraakiil caafimaad oo ku sugan Isbitaalka Dal Bille oo ku yaala xaafadda kaawogodey ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay dad ku soo dhaawacmay qaraxa ka dhacay xaafaddaasi.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay masuuliyadda qaraxaan.

Hadalsame Media