Somalia waxaa ka shaqeeya dad xitaa ka halis badan BASAASKA!! (Ma taqaan Abbaan?)

0

(Hadalsame) 25 Nof 2018 – Qofku hadii uu si deggan oo xogogaalnimo ah u gu fiirsado arrimaha siyaasadeed, dhaqan iyo diineed ee dalka, si fudud buu u arkayaa, ama u gu yaraan u malaynayaa, shakhsiyaadka danaha shisheeye ka shaqeeya ee bulshada la gu soo dhex daayay.

Weligeedba tani waa ay jiri jirtay maanta se waa dheeraad, waayo dhulkii Soomaalida ayaa noqday bahalagaleen aan la ka la xigin oo cid waliba baylahsatay. Sida aynnu garan karno, is la markaa raadadkeedu meel walba ka muuqdaan, waxaa u gu daran Tigreega, Carabta, reer Galbeedka iyo ururrada diimaha iyo dhaqammada faafiya.

Qofka soomaaliga ahi kolka uu maqlo erayga “basaas” waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaysa cid dawlad kale qarsoodi u gu shaqaysa arrimaha siyaasadeed ee dawlad kale. Markaa qofku markiiba wax uu is wayddiinayaa, oo maxaa maanta soomaalida u qarsoon ee la ga basaasaa?! Waa run oo siyaasad soomaalida u qarsooni ma jirto, waayo waaba la haystaa, oo sharci dejinta, fulinta iyo amnigaba shisheeye ayaa masruufa oo maamula. Laakiin basaasnimada socotaa waa siyaalo kale.

Turjumidda tooska ah ee erayga basaas Carabiga waa jaasuus, Ingiriisidana waa spy, waana sida aynnu u fahannay ee sirdoonnimada siyaasadeed ee dawladuhu isu adeegsadaan. Waxaa se jira eray kale oo ku bannaan xaaladda imika jirta, kuna habboon in aynnu ku sheegno, kaas oo ah Carabida camiil iyo Ingiriida agent. Waa qof cid u ga wakiil ah fulinta danaheeda cid kale ka gala. Af Soomaaliga waxaa la dhahaa abbaan.

Markaa dadka badan ee shisheeyuhu soomaalida ku soo dhex daysteen waa noocan dambe, wax ayna dhulka Soomaalida ka abuuraan duruufihii iyo fursadihii danaha la doonayaa ku socon lahaayeen.

Tusaale ahaan Tigreegu gobollada Soomaalida oo dhan wax ay dhigteen niman suurageliya ajandaha siyaasadeed ee ay innaga lee yihiin, tusaale ahaan in qaybsanaanta la xoojiyo, in dawladda dhexe la banjariyo iyo in joogitaanka iyo faragelinta Itoobbiya la xalaaleeyo. Waxaa la mid ah quwadaha maalgashada al-Shabab oo dantoodu tahay in aanay Soomaaliya degin, ama in ay xoogag kale oo aanay jeclayn ku dilaan.

Dhanka dhaqanka iyo diinta, Carabta iyo reer Galbeedla ayaa hormuud ka ah faragelintooda. Labadan qolo wax ay maalgashadaan oo adeegsadaan dad innaga ah oo dhulka ka abuura jawigii ay ku faafi lahaayeen carabaynta, Wahaabiyada iyo mad’habka Xanbaligu, iyo dhanka kale faafinta qiyamka reer Galbeed, gaar ahaan qaabaynta qoyska, loollansiinta labka iyo dheddigga iyo guud ahaan arrimaha galmada la xidhiidha.

Haddaba dadka hawlahan wada magaca ku habbooni ma aha basaas ee waa camiil ama abbaan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media