”Afrikaan meel uma hayno!!” – Netanyahu oo laba kala doorransiiyay Afrikaanka ku sugan Israel

0

(Tel Aviv) 25 Nof 2018 – Horraantii bishan, RW Israeli ee Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in qaxootiga Afrika ay haystaan dhowr bilood oo ay dalkaa uga baxaan.

Ninkan ayaa qaxootiga Afrikaanka ah ee dalkaa jooga oo gaaraya 40 000 ku tilmaamay “dad xero taraar ah”, Wuxuuna Netanyahu sheegay inay haystaan laba dookh: In la siiyo lacag dhan $3500 (R42300) oo la dejiyo dal kale oo Afrikaan ah iyo in ay cimrigooda ku dhamaystaan xabsiyada dalkaas, isagoo u qabtay ilaa bisha Maarso 2019.

Arrintan ayaa muran dhalisay iyadoo ay Yuhuuddu soo jeedisey in qaxootigan oo u badan kuwo ka yimid Sudan ama Eritrea dib loo dejinayo dalal ay ka mid yihiin Uganda iyo Rwanda kuwaasoo diidey arrintaan, waloow ay wararku sheegayaan in ilaa 1500 oo qofood durba dalalkaa la dejiyay.

Hay’adda QM ugu qaybsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegtay in dad badani ay durba la kulmeen dilal iyo jirdil misna iyagoon helin daryeel lagu tuuro xabsiyo waawayn.

Dadka Afrikaanka ah ayaa sidoo kale dhibaatooyin kala kulma dadka caadiga ah iyagoo ugu yeera “dilayaal iyo kufsadayaal”. Qaar kale ayaa ku yiraahda ”nooga baxa dalkeenna!”.

“Awal carrruurteennu meelo ay ku ciyaaraan ayay lahaan jireen, balse haatan meeshani waa sida Afrika – Mana u eka Israel-tii aannu naqaannay. Meel kasta iyaga ayaa qaatay,” ayuu yiri Netanyahu oo sheegay inaysan boos u haynin Afrikaanka.

Hadalsame Media