SS LAZIO VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Roma) 25 Nof 2018 – Waxaa caawa fiidkii kulanka todobaadkan ugu adag horyaalka Talyaaniga ku ballansan labada kooxood ee SS Lazio vs AC Milan oo ku dheelaya magaalada Roma.

Dhanka Lazio: Macallin Simone Inzaghi ayaa haysta safkiisa oo u dhan marka laga reebo Leiva. Waxaa boos dhexda ah isku haya Badelj iyo Cataldi, waxaase cad cad Croatian-ka. Waxaa shaki ku jiraa daafaca (Wallace-Luiz Felipe) iyo (Marusic-Patric).

Dhanka Milan: Milan ayaa ku jirta xaalad deg deg ah iyadoo ay ka maqan yihiin in ka badan kala bar safka 1-aad iyo Higuain oo ganaaxan, Gattuso ayaa markaa doonaya inuu dheelsiiyo daafac kabkab ah oo 3 ka kooban.

Waxaa boos isku haysta Borini iyo Laxalt waxaana horreeya Borini, dhexda waa Bakayoko iyo Kessie iyadoo uu Cutrone oo uu dul hoganayo hooska Ibrahimovic looga fadhiyo inuu muujiyo inuu yahay laacib qaadi kara culayska gool dhalineed ee kooxda.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 24 PROTO, 3 LUIZ FELIPE, 15 BASTOS, 4 PATRIC, 22 CACERES, 5 LUKAKU, 14 DURMISI, 32 CATALDI, 96 MURGIA, 7 BERISHA, 20 CAICEDO, 11 CORREA
  • 25 REINA, 35 PLIZZARI, 12 CONTI, 56 SIMIC, 16 BERTOLACCI, 4 MAURI, 96 TSADJOUT, 18 MONTOLIVO, 77 HALILOVIC, 93 LAXALT, 7 CASTILLEJO

GANAAXAN

  • Higuain (2)

AAN LA HELI KARIN

  • Leiva
  • Caldara, Strinic, Bonaventura, Biglia, Musacchio, Romagnoli

Hadalsame Media