DEG DEG: Midowga Yurub oo ogolaadey heshiiska Brexit

0

(Brussels) 25 Nof 2018 – Hoggaamiyayaasha Yurub ayaa ugu dambayn ogolaaday heshiiska Brexit kaddib kulan deg deg ah oo ay madaxda Midowga Yurub ku yeesheen  Brussels. Heshiiska ayaa haatan ogolaansho iyo diidmo laga sugayaa dhanka xildhibaannada Britain.

“EU27 waxay taageereen heshiiska taageeraya xiriirka mustaqbalka ee UK-EU,” ayuu yiri Madaxwaynaha Golaha Yurub ee Donald Tusk kaddib kulan qaatay wax saacad ku dhow.

Heshiiskan – oo ay horay u ogolaatay xukuumadda UK – ayaa ka kooban laba dokumenti oo muhim ah, oo uu midka hore ka koobnaa 585-bog oo ka sheekaynaya sida ay u kala baxayaan labada dhinac iyo hab-raaca macaamilkooda, kaasoo dhacaya Maarso 29, 2019.

Hadalsame Media