Wararkii ugu dambeeyay xaalada siyaasadeed ee maamulka Koofur Galbeed, Soomaaliya

0

(Baydhabo) 25 Nof 2018 – Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka jira loolan siyaasadeed oo aad u adag waxaana la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo doorashada hoggaamiyaha mustaqbal ee Maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga Doorashada ayaa isku diyaarinaya in maanta uu diiwaangaliyo musharixiinta ka qaybgalaya tartanka doorashada kuwaas oo ay ka mid yihiin siyaasiin miisaan leh.

Musharixiinta ka qaybagalaya tartanka waxaa ka mid ah hoggaamiye kuxigeekii hore ee ururka Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, inkastoo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda amniga hore uga soo horjeesatay hanka siyaasadeed ee Roobow.

Guddiga doorashada ayaa la sheegay inaysan suuragal ahayn in Roobow iyo shaqsiyaad kale oo farta lagu goday ay ka reebaan doorashada oo lagu wado inay dhacdo 5ta bisha soo socota ee Desembar.

Hadalsame Media