DAAWO: Magaalada Paris oo u ekaatay FURUN DAGAAL + Sawirro

0

(Paris) 24 Nof 2018 – Booliiska Faransiiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo gawaarida biyaha tuura u adeegsadey dibed baxayaal iskugu yimid magaalada Paris, iyadoo dad badan laga xirey qolo la baxday ‘Yellow Vest’ oo ka cabanaysa shidaalka oo qaaliyoobey oo xirey faras magaalaha Paris.

Arrinta ayaa qaraaraatey markii ay dibed baxayaasha – oo ay qaarkood wejiyada qarsadeen – ay booliiska dhagxaan iyo dhalooyin ku tuuryeeyeen, kuwaasoo markooda ku jawaabey gaaska ilmada keena.

Bartamaha magaalada Paris ayaa mararka qaar u ekaanaysay goob dagaal, iyadoo Arc de Triomphe mararka qaar la arki waynayay qaaca iyo holaca dartood.

 

Hadalsame Media