Ronaldo oo jebiyay rikoodh yaalley 50 sanadood

0

(Torino) 24 Nof 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay 9 gool u dhaliya Juve 13 kulan ee ugu horreeya Serie A tan iyo Pietro Anastasi oo sidaa sameeyay 1968-69-kii.

Laacibka caalamiga ah ee reer Portugal ayaa goolkaa ka dhaliyay ciyaar haatan socota oo ay 2-0 ku leeyihiin kooxda SPAL, tiiyoo ay weliba jirto inuu gool dhalinta bilaabay todobaadkii 4-aad ee horyaalka oo ay 2-1 uga badiyeen Sassuolo, kaddib se waa la qaban waayay.

Ronie ayaa sidaa 10 kulan oo Serie A ah ku dhaliyay 9 gool, 5 kalena dhigay. Taasoo ka dhigan inuu kusoo biiray qannaaska Genoa ee Krzysztof Piatek oo gooldhalinta Capocannoniere ku hayay 9 gool.

Wuxuu sidoo kale noqday laacibkii ugu horreeyay ee Juventus ah ee 13 kulan oo Serie A ugu horreeya 9 gool gaara kaddib Anastasi oo sidaa sameeyay 50 sano kahor.

Hadalsame Media