XOG HOOSE: Afgembi la sheegay in loo maleegayo Boqor Salmaan & wiilkiisa

0

(Riyaad) 23 Nof 2018 – Ninka mucaaradka ku ah nidaamka Sucuudiga ee Aal Sacuud oo uu laftiisu ka mid yahay, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu filayo in la afgembiyo Boqor Salman iyo wiilkiisa uu Taajka u sallaxay ee Mohammed Bin Salman.

Ninkan ayaa sheegay in sababta loo diley Jamaal Khashuuqji ay la xiriirto isagoo doonayay inuu qoro siro badan oo uu ka hayey nidaamka Aal Sacuud oo uu meertada hoose muddo badan uga jirey, maadaama uu la shaqayn jirey.

Dilka Khashuuqji oo ay qayb qayb u qirteen nidaamka Sucuudiga ayaa dhacay 2-dii Oktoobar bishii hore, kaasoo iminka la ogaadey inay si toos ah u amreen Mohammed Bin Salman iyo walaalkii Khaalid.

Ninkan ayaa sheegay in maadaama uu MBS bahdil aan horay loo arag u gaystey rag badan oo ka tirsan guriga reer Aal Sacuud ay qaar badan oo u ciil cunsan isla markaana aan ku qanacsanayn qaabka uu wax ku wado ay qorshaynayaan inay isaga dhanba la kacaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya xasaradda siyaasadeed ee uu galay kaddib dilkii Jamaal.

Hadalsame Media