Erdogan muxuu ka yiri inuu la kulmayo MBS iyo in kale?

0

(Ankara) 23 Nof 2018 – Warqaadka Turkish-ka ah ee Haber ayaa madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan kasoo koobiyay in aanu la kulmi doonin dhaxalsugaha Sucuudiga ee sumcad beelay Mohammad Bin Salman inta lagu jiro shirka Argentina ee dalalka G20, kaasoo 30-ka bishan qabsoomaya soconayana ilaa 1-da Diseembar.

Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa durba sii qaddimey inuu la kulmayo dhaxalsugaha MBS, halka Arbacadii uu dhiggiisa Ruushka ee Vladimir Putin sheegay inuu isna la kulmayo.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Sucuudigu xasarad siyaasadeed ku jiraan kaddib khaarajintii lagu fashilmay ee weriye Jamal Khashoggi oo lagu dhex diley qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, kaasoo ay haatan CIA oo uu soo xiganayo Washington Post sheegtay inuu toos u amray Mohammad Bin Salman.

Hadalsame Media