DAAWO: RW Pakistan oo sheegay inaan taariikhda lagu sheegin Nabi Ciise (CS) iyo dadka baraha bulshada oo weerar ku qaaday!

0

(Islamabad) 23 Nof 2018 – RW Pakistani ee Imran Khan ayaa fashil wayni soo wajahey kaddib markii uu sheegay in aan taariikhda lagu xusin Nabi Ciise (CS), taasoo ka adeejisey dadka Twitratti-ga ah oo ay xitaa Muslimiin ku jireen.

Khan ayaa ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay Moowliidka Nabi Muxamed (NNKH), markaasoo ahayd goorta uu sidoo kale u dhacay arrinta Nabi Ciise (CS) oo ka mid ah anbiyada aadka ugu qiimaysan diinta Islaamka.

“Nabi Muuse (CS) mar baaba la xusay, balse ma arkin meel lagu sheegayo Hasrat Isa [CS] dhanka taariikhda insaanka,” ayuu ku dooday Khan.

Deeto muuqaalkii ayaa ku dhex faafay baraha bulshada, waxaana la xusuusiyay in Ciise (CS) uu ka mid yahay nabiyada ugu badan ee looga hadlay Qur’aanka Kariimka.

Dadka qaar ayaase sheegay in khalad loo fasiray warkiisa ee uu ula dan leeyahay sooyaalka cilmaamiga ah ee taariikhda cusub, balse taa lafteeda qaar kale ayaa beeniyay.


Hadalsame Media