DAAWO: Garsoore caan ah oo qirtay khaladkii ugu waynaa ee uu abid sameeyo

0

(Roma) 23 Nof 2018 – Mar uu u warramayay idaacadda Radio Marte, garsoorihii hore ee Serie A ee Paolo Tagliavento ayaa dib ugu noqday waayihisii uu seeri walaha ka ahaa horyaalka Talyaaniga.

Wuxuu ka hadlay ciyaar ilaa maanta la hadal hayo oo kubaddu ay shabaqa gashay nus mitir ka badan taasoo uu laaday Suley Cali Muntari kulankii Milan-Juventus.

“Shallaaygayga iigu wayni waa inaynaan berigaa haysanin VAR. Goolka Muntari sida cad wuxuu ahaa khaladkaygii iigu waynaa, sanad kaddib waxaa la hirgeliyay garsoorayaal dheeraad ah, maantana waxaaba jira Goal-line Technology oo in laga doodo loomaba baahna” ayuu yiri Tagliavento.

Hadalsame Media