Real Madrid oo war kasoo saartay daroogada lagu eedeeyay Ramos

0

(Madrid) 23 Nof 2018 – Real Madrid ayaa war kasoo saartay eedayn ku socotey kabtankeeda Sergio Ramos oo ay Football Leaks ku eedeeyeen in lagu helay jebinta xeerka ka yaalla daroogada, taasoo fiidkan lagu qoray Der Spiegel, L’Espresso iyo warsidayaal kale oo reer Yurub ah.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday kaddib dhamaadkii 2017 Champions League Final oo ay 4-1 ku garaaceen Juventus, balse arrintaas waxba lagama qabanin, taasoo ay xarigga u dheereeyeen UEFA iyo maamulka Spain.

Waxay Real kasoo saartay warkan:

“1. Sergio Ramos marna ma jebin xeerarka ka yaalla daroogo qaadashada.

“2. UEFA xog bay na waydiisey isla markiina kiiska waa xirtey, sidii caadiga ahayd kaddib markii baaristii ay waxba ku waayeen World Anti-Doping Agency, AMA iyo UEFA lafteeda.

Hadalsame Media