RASMI: Rafcaankii Gonzalo Higuain oo la diidey!

0

(Roma) 23 Nof 2018 – Qannaaska AC Milan ee Gonzalo Higuain ayaa laga diidey rafcaan uu ka qaatay laba kulan oo hore looga ganaaxey, kaddib markii ciyaarta laga cayriyay kulankii ay Juve 2-0 uga badisay oo uu sidoo kale rigoore cunay.

Pipita ayaa kulankaa aad u caroodey isagoo markii roosaha la siiyay garoonka ka baxay isagoo ilmaynaya, waxaana kiiskan maanta la geeyay maxkamadda rafcaanka ee Roma, si ganaaxa loo nuseeyo.

Yeelkeede, rafcaankaa waa la diidey, taasoo ka dhigan in 31-jirkani uu bannaanka ka daawan doono kulamada soo aaddan ee ay Milan lakala ciyaarayso kooxaha Lazio iyo Parma ee dhanka Serie A.

Hadalsame Media