DHACDO UGUB AH: Gabar ayeeyadeed sumaysay! + Sawirro

0

(Goobwayn) 23 Nof 2018 – Warar dhiilla leh oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa tibaaxaya in gabar yar oo 15-jir ihi ay ayeeydeed sumaysay, sida ay sheegtay Dembi Baarista maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya inay gabadha yari xalay fiidkii ay falkan sumaynta ah kula kacday ayeeydeed hooyadeed dhashay oo ay ku wada noolaayeen guri ku yaalla degaanka Goobwayn oo ku taalla duleedka Kismaayo.

Guddoonka degaanka Goobweyn, Md Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ayeeyada geeriyootey lagu magacaabi jirey Dahabo Maxamed AUN, ay gabadheedani siisay sunta beeraha oo sida la yiri ay gabadhu kasoo gadatay dukaan xaafaddeeda ku yaalla.

Waxaa soconaysa baaris ku aaddan waxa sababtay arrintan oo ah dhacdo ugub ah oo aan horay nooceeda loogu arag Somalia.

Hadalsame Media