XOG: AC Milan oo iska celinaysa Gonzalo Higuain (Sabab?)

0

(Milano) 23 Nof 2018 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay guddoonsatey inay iska celiso Gonzalo Higuain oo ay weli leedahay Juventus marka la gaaro xagaaga soo aaddan, sida ku qoran Corriere dello Sport.

Kooxda Rossoneri ayaa laacibkan ka bixisay €18m oo hordhac ah qaab amaah ah, iyadoo kaddib bixin lahayd €36m oo euro.

Yeelkeede, maadaama uu kooxda San Siro la gelayo qandaraas jiraya ilaa 2021, waxay Milan ka bixinaysaa lacag kale oo dhan €37m oo euro. Taas oo ka duwan Lucas Paqueta, oo heshiiskiisa loo dhisay qaab aysan Milan dareemayn dhaqaale ahaan oo ay €7m sanadkii bixinayso muddo 5 sanadood ah.

Tiiyoo uu laacibku muhim u yahay kooxda Gennaro Gattuso, Il Corriere ayaa qoraya in Ivan Gazidis uu marka hore hollin doono inuu Old Lady ka raarido inay qiime dhimis sameeyso, iyadoo ay taasi dhici waydo ay Milan iska celin doonto.

Higuain ayaa 13 kulan 7 gool u dhaliyay Rossoneri, isagoo rigoore cunay roosana qaatay kulankii Juve oo uu u dhaqmay qaab aan lala dhicin, waxayna Milan maanta rafcaan ka qaadanaysaa ganaax laba kulan ah si ay u safto kulanka Parma, Diseember 2.

Hadalsame Media