Dadka dhaladka ah oo maalinta Mahadnaqa Maraykanka u yaqaanna Maalinta Murugada + Sababta (Qaxootiga oo ay hiillo u muujiyeen)

0

(Plymouth) 23 Nof 2018 – Waxaa Maraykanka laga yaqaannaa maalin la yiraahdo Maalinta Mahadnaqa (Thanksgiving Day), balse dadka asalka ah ee Ameerika guud ahaan loogu yimid waxay u tahay Maalin Baroordiiq, iyagoo iskugu imanaya magaalooyinka waawayn si ay u murugoodaan.

Khamiistii shalay ahay, waxaa magaalada Plymouth, Massachusetts, isku abaabulaya dadka asalka ah oo qorshaynaya isu soo baxyo ay kaga murugoonayaan imaanshihii reer Yurub ee qaaraddooda, waana sanadkii 49-aad ee ay jamciyadda United American Indians of New England ay abaabulayso maalintaasi.

Moonanum James, oo ah la hoggaamiyaha kooxdaasi ayaa yiri: “Dadka dhaladka ihi ma laha sabab ay ugu dabbaaldegaan imaanshiyihii soo galootiga dhulkooda qaatay dadkoodiina laayay.”

Maalintan oo ku beegan Khamiista ugu dambaysa bishan Nofeembar ayay dadka asalka ihi waxay sidoo kale hiillo u muujin doonaan dadka qaxootiga ah ee loo diiddan yahay inay Maraykanka soo galaan, gaar ahaan kuwa haatan ku xayiran xuduudaha Mexico, maadaama ay qabaan in kuwa diidayaa ay soo galooti kale yihiin.

Hadalsame Media