RASMI: Rwanda oo Sawaaxiliga ka dhigatay luuqadeeda qaran

0

(Kigali) 23 Nof 2018 – Xildhibaannada Rwanda ayaa ansixiyay in Sawaaxiligu noqdo luuqadda rasmiga ah iyo tan qaran, iyagoo gebi ahaaba xooray midda Faransiiska.

Rwanda ayaa sheegtay inay sidaa ku doonayso inay tusaale u noqoto dalalka kale ee qaaradda madoow ee weli xambaarsan dhaxalkii gumaysiga oo ay ku dhiirinayso inay asalkooda u laabtaan.

Rwanda ayaa ku hadli jirtey luuqadda Faransiiska oo ay kala hartay gumaysigii Belgium, waxayna arrintani imanaysaa jeer ay Rwanda doonayso inay shuclada u qaaddo Afrika cusub oo isku fillaansho gaarta iyadoo ku socota siyaasado aan loo yeerinaynin.

Hadalsame Media