Madaxwaynaha Somalia oo gaarey dalka Turkiga + Sawirro

0

(Ankara) 23 Nof 2018 – Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta, sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Labada madaxwayne ayaa isla soo qaadaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal oo sanadihii dambe sii adkaanayay iyo inuu Turkigu gacan ka gaysto taageerada ciidamada Somalia oo dib u dhiskooda iyo tababarkooda uu Turkigu meel sare kaga jiro.

Hadalsame Media