MARKALE MADAXA DHIIBO: Wasiir Jarman ah oo Afrika usoo jeediyay inay markale GUMAYSI ogolaato si loo hormariyo!

0
Laanqayrta Cas oo bustayaal u qaybinaysa dooni la ciir-ciiraysa qaxooti Afrikaan ah oo soo caga dhigtay jasiiradda Malaga ee Spain, Diseembar 7, 2017, taasoo sidda 47 nin, 7 haween ah iyo 1 cunug.

(Berlin) 22 Nof 2018 – Wasiir Jarman ayaa soo jeediyay in awoodaha shisheeye ay dhul ka qaataan Afrika deetana horumariyaan muddo nus qarni ah si buu yiri loo xakameeyo arrimaha soo galootiga, sida uu qoray Dickens Olewe oo ka tirsan BBC.

Midowga Yurub ama Baanka Adduunka iwm, waa inay dhisaan kaddibna maamulaan magaalooyin laga sameeynayo Afrika si sare loogu qaado shaqo abuurka iyo horumarinta qaaradda, ayuu ku dooday Wasiirka Afrika ugu qaybsan Jarmanka, Gunter Nooke, oo la hadlayay BBC.

”Taasi waxay Afrika uga dhigan tahay inay dhulalkooda ka ijaaraan hay’ado shisheeye si ay furka faqriga u xooraan muddo 50 sanadood ah”, ayuu yiri Mr Nooke.

Waa aragti ay markiiba diideen dad badan oo ku tilmaamay ”gumaysi walanteeri ah”, halka ay dadka qaar oo ay aqoonyahanno ku jiraan – sida Carol Musyoka, oo ah ka tirsan Strathmore Business School, oo ka mid ah jaamacadaha horseedka ah ee Kenya – ay soo dhoweeyeen.

Ms Musyoka ayaa waraysi uu BBC siiyay soo jeedintan ku qeexay ”mid cajiib ah” oo ay Afrika hananeeyso faa’iidada ugu badan.

Afrika ayaa ilaa xad u muuqata qaarad ku fashilantay inay isu maamusho sida ay mudan tahay, ama in ay dadkeedu ka faa’iidaystaan khayraadka tirada badan ee dhex ceegaaga.

Laanqayrta Cas oo bustayaal u qaybinaysa dooni la ciir-ciiraysa qaxooti Afrikaan ah oo soo caga dhigtay jasiiradda Malaga ee Spain, Diseembar 7, 2017, taasoo sidda 47 nin, 7 haween ah iyo 1 cunug.

Hadalsame Media