DARAASAD: Xiddig dhulka u jira 8 kun oo sanad ilays oo qarka u saaran inuu qarxo!

0

(Sydney) 21 Nof 2018 – Xiddiga dhulka u jira fogaan dhan 8,000 oo sanad ilays ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu sameeyo qarax aad u wayn, kaasoo Dhabbe Caanoodka ka dhalin kara qaraxii ugu horreeyay ee sida fallaaraha gamma, taasoo abuuraysa tamar qayrul caadi ah, sida midka Godka Madoow.

Saynisyahanno Australian ah oo ka tirsan University of Sydney ayaa soo helay xiddiggan oo ay u bixiyeen ”Xidiggii Foowdada”, kaasoo ay sheegeen in haddii uu qarxo uu dhalin karo fallaaro halis ah oo ka samaysan dambas iyo gaas sun ah oo ay siddo dabayl ku socota 12 milyan oo km/saacaddii, taasoo ay ku sheegeen waqcaddii ugu tamar badnayd tan iyo waxa ay u yaqaannaan Big Bang.

Illustration of the extremely fast-spinning black hole in the 4U 1630-47 binary star system © NASA, CXC, M. Weiss
Qaraxyada noocan ah ayaa waxaa ka samaysma wax lagu sheego Godka Madoow (Black Hole) oo liqata xitaa iftiinka inta uu xoog ka qabo.

Qaraxyada noocan ah ayaa waxaa ka samaysma wax lagu sheego Godka Madoow (Black Hole) oo xitaa iftiinka liqaya inta uu xoog ka qabo. Cilmi baarayaasha ayaa arrintan ku daabacay warqaadka ka hadla hawada sare iyo cirbixinta ee ‘Nature Astronomy’.

Hadalsame Media