SAWIRRO: Ruushka oo diyaarinaya sharci u ogolaanaya inuu Nukliyeer ku jawaabi karo xitaa haddii…

0
Gantaalaha Baalistigga ah ee qaaradaha iskaga goosha isagoo sida madaxa nukliyeerka

(Moscow) 21 Nof 2018 – Ruushka ayaa doonaya inuu wax ka bedelo sharciga ku saabsan adeegsiga hubka istaraatijiga ah, si uu hubka nukliyeerka ugu jawaabi karo xitaa haddii lagusoo qaado weerar aan nukliyeer ahayn.

Hindisahan oo ay u guuxeen baarlamanka dalkaasi ayaa Ruushanka siinaya galaangal ka dhiirran midkii hore oo si waadax ah u caddaynaya sida ay ciidamada Ruushku hubkooda u adeegsan karaan.

Xildhibaannada Aqalka Hoose ayaa soo jeediyay in marka hore ay Guddiga Amaanka Qaranka Ruushku soo diyaariyaan hindise sharciyeed ku aaddan inay Ruushku qaadi karaan “weerar aargudasho ah oo nukliyeer ah haddii lagusoo weeraro hub istaraatiji ah oo aan laakiin nukliyeer ahayn” oo ka dhan ah Ruushka, sida ay werinayso RIA Novosti.

Iskander-M wuxuu qaadi karaa gantaalaha riddada dhexe ee xambaarsan madaxyada nukliyeerka

Hadalsame Media