DAAWO: ”Shacabka Tigreega waxaa lagusoo qaaday weerar beegsi ah!” – Tigreega oo ka eed sheegtay dowladda Itoobiya

0

(Mekelle) 21 Nof 2018 – Madaxwayne xigeenka gobolka Tigrai ayaa dowladda Federaalka ah ee  Ethiopia ku eedeeyay inay ka shaqeeynayaan qorshe lagu daciifinayo, lagu hareereeraynayo laguna cabsi gelinayo dowladda iyo dadka gobolka Tigrai.


Dr. Debretsion Gebremichael, madaxwaye xigeenka gobolka Tigrai ayaa sheegay in maamulka Addis Ababa ay ula kac ah u daba dhigteen dadka Tigraian-ka, xubnaha ciidamada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo kuwa ka shaqeeya amaanka iyo nabad sugidda, kaasoo uu ku sheegay qorshe ka dhan ah shacabka Tigreega ee aan ashkhaas gaar ah bartilmaameedsanaynin, iyadoo sida uu yiri lagu gambanayo musuq la dirir.

Dr. Debretsion ayaa sheegay in dowladda Federaalka Itoobiya ay dagaal saf mar ah soo qaadday iyadoo buu yiri kaashanaysa kooxo xag-jir ah oo badanaa kasoo jeeda gobolka Amxaarada, si loo wiiqi Dastuurka Itoobiya.

Hadalsame Media