DHEGEYSO: War dheeraad ah oo kasoo baxaya hablo Soomaaliyeed oo isku diley Sweden

0

(Trolhättan) 20 Nof 2018 – Galabnimadii arbacadii ina dhaaftay oo uu dagaal ku dhex marey laba hablood oo aan qaan gaar aheyn guryaha dhallinyarada lagu xannaaneeyo ee loo yaqaanno HBV-hem ayaa mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac aad u xoogan oo ay cusbitalka ugu geeriyootay.

Maxuumadda iyo gabadha kale ee falka geeysatay oo da’deedu ka hooseeysay 18 jir ayaa ku dhaqnaa guryaha HBV-hem oo ku yaala magaalada Trollhättan.

– Saacaddu markay ahayd siddeeddii iyo barkii fiidnimo ayay gabadhii la dhaawacay u geeriyootay dhaawacyadii  loo geeystay, sida ay sheegay sarkaal u hadlayay ciidanka ammaanka, Hans Lippens.

Dagaalka gabdhuhu muxuu salka ku hayay?

– Sawir buuxa ayaannu ka heeysannaa dhacdadii, hase yeeshee wixii intaa dhaafsiisan waa mid baaris lagu hayo.

Deegaankan HBV-hem ka ee falku ka dhacay ayey ku dhaqanaayeen dhallaan da’doodu u dhexeeyso 13-18 jir. Iyadoona gabadha falka lagu tuhunsan yahay ahna 14 jir ay ka bixisay jawaabo uu xeer ilaaliyuhu filayay, kuwaasina oo la xiriirey dhacdadii dilka ee goobta ka dhacay.

– Waa warbixinno isku mid ah, hase yeeshee lama ogsoona sida loo qiimeeyn doono, sida uu sheegay qareenka gabadha falka lagu tuhunsan yahay, Tommy Nilsson.

Gabadha 14 jirka ayay gacanta ku dhigeen howl wadeennada laanta adeegga bulshadu.

Dhanka kale Hodan Toosh ayaa in muddo ah waxay ka soo howlgaleeysay goobaha lagu xannaaneeyo dhallaanka ee loo yaqaanno HBV-hem, iminkana ka howlgasha deegaannada lagu magacaabo behandlingshem, iyadoona sheegtay inuu isku dhucu ka mid yahay nolol maalmeedka dhallaanka, halka qaarkood oo soo galay qax dheer ey la soo gudboonaadeen dhibaatooyin noloshooda.

Behandlingshen iyo HBV-hem ayaa ah noocyo kala duwan oo ka mid ah goobaha lagu xannaaneeyo dhallaanka, sida ay sheegtay Hodan Toosh, mar aannu khadka telefoonka kula xiriirney.

Xigasho: Raadiyo Sweden

Hadalsame Media