DAAWO: Madaxwaynaha Somalia oo la kulmay Wasiirka Koowaad ee Talyaaniga + Cod

0

(Roma) 20 Nof 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte, sida uu Agaasimaha warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed uu u sheegay Radio Muqdisho.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sida loo sii xoojin karo, iyadoo labada wadan ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo qotodo dheer.

Agaasimaha ayaa sidoo kale, sheegay in madaxweynaha uu maalinta berri ah uu la kulmi doono madaxweynaha wadanka Talyaaniga.

Halkan Ka Dhegeyso…

 

Hadalsame Media