DAAWO: Haweenay soo duubtey muuqaal cabsi leh jeer ay dhex mareeysay dusmo wada holcaysa! (Ma badbaaddey?!)

0

(Malibu) 20 Nof 2018 – Muuqaal murcib ah oo naxdin badan ayaa waxaa iska duubtay haweenay dab dambaaburo tuuraya ku dhex kaxaynaysa gaarigeeda si ay uga baxsato dabka laayaanka ah ee California.

Rebecca Hackett, oo ku nool taagga Agoura Hills, ayaa xilligaa nolosheeda ka quusatay, iyadoo dhex maraysay dabka Woolsey Fire iyadoo ku joogta Kanan Road oo mara magaalada laga kala cararay ee ay taajirku degaan ee Malibu.

Haweenaydan ayaa bun ku baxsatay iyadoo kasoo dhaqaaqday White Cloud Ranch, oo uu ugu yaallo goof ay fardaha ku dhaqdo kaasoo u dhow Malibu. Waxaa la maqlayaa iyadoo dhex mareeysa dhuxulo dab ah iyo codkeeda oo ku celcelinaya. ”Ilaahow tan iga bixi!”

Hadalsame Media