Wax kasta oo aad uga baahan tahay 4-ta xul ee iskugu haray Nations League (Goorta & goobta ay ku ciyaarayaan)

0
epa06470393 The UEFA Nations League trophy on display during the UEFA Nations League draw at the SwissTech Convention Center in Lausanne, Switzerland, 24 January 2018. EPA/JEAN-CHRISTOPHE BOTT Dostawca: PAP/EPA.

(Nyon) 20 Nof 2018 – Dalalka Netherlands, Switzerland, Portugal iyo England ayaa noqday afarta xul ee iskugu soo baxay nus-dhamaadka Nations League, wax kastana waxaa lagu go’aamin doonaa Portugal oo lagu ciyaarayo 5-9 Juun sanadka xiga.

Waxaa isku aadka la samaynayaa 3-da Dismeebar mana jiro dheriyayn oo xulba mid kasta oo kale ayuu ku aadi karaa, waxaa qura oo la hubaa in Portugal iyo xulka ku aada ay kulankooda dheelayaan 5-ta Juun, halka labada kale ay ciyaarayaan maalinta xigta ee 6-da.

Maalinnimo Axad ah 9-ka Juun waa dhamaadka Nations League, waxaa sidoo kale loo tartamayaa kaalimaha 3-aad iyo 4-aad, waxaana lagu kala ciyaarayaa garoomada Estadio do Dragao oo Porto ku yaalla iyo Alfonso Henriques oo ay leedahay magaalada Guimaraes.  Portugal ayaa u yeeran kara Cristiano Ronaldo.

Hadalsame Media