DAAWO: Dayuuradda ugu casrisan Ruushka oo duullimaadyo carbis ah ka bilowday cirka Suuriya!

0

(Moscow) 19 Nof 2018 – Dayuuradda raadeerka ka dhuumata ee jiilka 5-aad ee Su-57 oo dunida oo idil haatan laga hadal hayo ayaa duullimaadkii ugu horreeyay ka samaysay Suuriya, sida ka muuqato sawirro naadir ah oo ay baahisey Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

via GIPHY

 

Muuqaalkan ayaa muujinaya laba dayuuradood oo casri ah oo ah Sukhoi-57 oo ka duulaya kuna soo noqonaya saldhig aan la carrabaabin oo uu Ruushku ku leeyahay Suuriya – balse u badan saldhigga ciidanka cirka ee Khmeimim oo dhaca woqooyi galbeed Suuriya – wuxuuna muuqaalku ka bilaabmayaa kahor inta aanay duulin.

Dayuuraddan Su-57 ayay Ruushku doonayeen inay ku tijaabiyaan jawiga kulul ee Suuriya iyagoo eegaya dhaqaaqa hawada, xakamaha dabka, iyo habka dab-ridka oo kulligood la tijaabiyay sida ay Wasaaraddu sheegtay.

Hadalsame Media