DAAWO: Dabaqa dunida ugu dheer ee alwaax uun ka samaysan!

0

(Tokyo) 19 Nof 2018 – Sharikad Japanese ah oo la yiraahdo Sumitomo Forestry ayaa qorshaynaysa inay Tokyo ka dhisto dabaqada dunida ugu dheer oo ay ku maamuusayso sanad-guuradeedii 350-aad sanadka 2041-ka.

Dabaqan oo gaaraya 70-fooq ayaa 90% alwaax ka samaysan, waxaana dabaqan oo la yiraahdo W350 kana kooban 185,000 mitir kubbo oo alwaax ah lagu wadaa inuu ku koco 600 bilyan oo yen-ka Japanese-ka ah (u dhiganta $5.6 bilyan oo oo doollar).

W350 ayaa guriyayn doona xafiisyo, dukaamo, qolal sidii hoteel loo ijaarto iyo ilaa 800 oo guri oo degaan ah, waxaana qayb kasti lahaanaysaa balkoonno iyo meelo cagaaran.

“Dhismaha guud wuxuu wada noqonayaa alwaax naqi ah, kaasoo soo saaraya degaan xasilloon, diirranaan iyo debecsanaan,” ayuu yiri Sumitomo oo mashruucan wada.

Hadalsame Media