Howsha SAXAAFADDU way ka ballaaran tahay inta aan ka fahanney!

0

(Hadalsame) 19 Nof 2018 – Shaqada Saxaafadda way ka ballaaran tahay kana gun dheer tahay kaliya in la sheego qodobbada ay xafideen Dadka nagu xiran ee Macluumaadka naga suga, kuwasoo ay ka mid yihiin

1- Qarax meel heblaayo ka dhacay

2- Koox Bastoolado ku hubeysan oo Qof rayid ah dilay

3- Barakacayaal uu Roob ku da’ay oo xero heblaayo ku dhex cabaadaya

4- Khilaafka Maamul-goboleedyada oo Cirka isku shareeray

5- Madaxweynaha oo dhoofay & Ra’iisul wasaaraha oo dalka kusoo noqday

Intaas wax ka duwan oo ka nuxur badan ayay bulshadu nooga fadhisaa haddii aan nahay saxafiyiin dhab ah, sidaas darteed waa in aynaan ka cabsan wax curin, hal abuur cusub iyo hindise wax gal ah inaan keenno – xitaa haddii nalooga hormaro waa in aan ku dayannaa wixii wanaagsan annagoo fiirineyna muhiimadda ay ku fadhiso xirfaddeenna

Dadka qaar way ka gilgishaan wayna ka baqaan haddii ay arkaan wax curin cusub iyo isbeddel hor leh, waxaa dhici karta waaya-aragnimadooda oo kooban darteed in aysan ku dhiiran karin in ay suurageliyaan ama la jaanqaadaan wax aan aheyn wixii ay yaqaaneen

Saxafiga xirfadyahanka ihi waa kan ku dhiirran kara hindisidda wax hor leh oo bulshada u adeegaya. Shaqada warbaahinta oo aad u ballaaran darteed waxaa jira laba qodob oo muhim ah isla markaana warbaahinteennu ay aad uga gaabiso; u ololeyn iyo u qareemid

In qof la dulminayo loo ololeeyo si xad-gudubka uu la kulmayo looga joojiyo iyo in qofka dulmanaha ah loo qareemo si uu u helo garsoor cadaalad ah, qofka loo ololeynayo ama loo qareemayo wuxuu noqon karaa qof weli nool oo xaqiisa loo raadinayo ama qof geeriyooday labadaba.

Mararka qaar waxaa jira qaddiyado aan gaar aheyn oo guud ah oo ay tahay in saxafigu meel kasta oo uu joogo ka dhiidhiyo sida cadaalad darrada bulshada dhexdeeda ka dhaca iyo kiisaska gaarka ah maxalli ahaan iyo caalami ahaanba, tusaale ahaan, arrinta Jamaal Khashuuqji oo ah xaalad taabaneysa saxafi kasta oo damiir leh magaalo kasta oo uu caalamka ka joogo.

Waxaa kale oo muhim ah inuu weriyuhu u taagnaado fayaqabka iyo danaha guud ee dalka iyo dadka isagoo ka dhiidhinaya wax kasta oo halis ku ah, si loo helo dantaa guud.

Arrintaasi waxay weriyaha ka dhigaysaa gayfane umadeed waana arrin sax ah inuu qaddiyaadka guud ee noocaas ah weriyuhu cayrsado oo u dagaallamo una ololeeyo si ka duwan sida ay weriyayaal badani aaminsan yihiin ee ah in dhexdhexaad wax kasta laga noqonayo.

Waxaa kale oo muhim ah inuu weriyuhu bulshada u sameeyo door wacyiga umadda sare loogu qaadayo isagoo la imanayo hab-raacyo hal abuur ku dhisan oo uu taa u gudanayo si toos ah iyo si dadban intaba.

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) iyo Maxamed Xaaji

Hadalsame Media