Xulka Qaranka Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Addis Ababa

0

(Muqdisho) 14 Nov 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa casho sharaf u sameeyay cayaartoyda xulka Soomaaliyeed oo isku dayaysa inay sameeyaan taariikh cusub, muujiyaanna awooddooda si ay ugu soo baxaan isreeb-reebka cayaaraha olombikada.

Fiidnimadii xalay ayaa hotel ku yaala Addis Ababa lagu qabtay casha sharafeedka oo ay ka soo qeybgaleen cayaartoyda iyo tababarahooda. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu ku dhiirri-geliyay cayaartoyda inay gacmaha is qabsadaan, ayna la soo banbaxaan cayaar wanaag aad u sarreysa si ay u gaaraan guul weyn.

Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’dooda ay ka hooseyso 23 sano-jir ayaa maanta oo Arbaco ah la cayaari doona dhiggooda Itoobiya wejiga koowaad ee isreebreebka olombikada lagu qaban doono magaalada Tokyo sanadka 2020.

Hadalsame Media