Madaxwaynaha & Taliyayaasha ciidamadu afartan su’aalood ma is waydiiyeen?!!

0

(Muqdisho) 13 Nof 2018 – Taliyayaasha ciidanka ayaa maalin dhowayd la kulmay madaxwaynaha, kaddib weerarkii Hoteel Saxafi oo mar kale muujiyay habacsanaanta dhanka amaanka iyo shacabka loo loogayo ma naxayaasha.

Taliyayaasha ayaa deeto la sheegay inay amaro kusoo rogeen askarta wadooyinka jooga ee baabuurta baara. Balse su’aalahan ayaa mudan in la is waydiiyo:

1. Askari jidka taagan ee baabuurta baaraya ma mahaystaa qalab uu ku ogaan karo gaariga qaraxa wada.

2. Askariga jidka taagan ma aqoonsan karaa qof Alshabaab ah ee gaariga wada.

3. Askariga jidka taagan maxuu ku kala gartaa Askarta dowlada kuwo Alshabaab maadaama Tuutihii dowlada ay wada qabaan.

4. Askariga jidka taagan isaga laftirkiisa mala hubaa inuusan Alshabaab xiriir la lahayn. Su’aalahaasi oo dhan tixgelin ayay u baahan yihiin.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Catoosh

Hadalsame Media