“Si uu ugu guulaysto Moobeel CASRI ah ayuu isku tuuray wabbiga Shabelle,” Meydkiisa oo la raadinayo (ARRIN UGUB KU AH SOOMAALIYA)

0

(Balcad) 14 Nov 2018 – Dadka ku nool degmada Balcad ee gobolka shabeellada Dhexe ayaa sheegay in wabbiga Shabeelle qeybta uu ka maro degmadaasi laga baadi goobayo meydka wiil dhalinyaro ah oo shalay ku geeriyooday halkaasi.

wiilka ayaa lagu sheegay inuu isku tuuray wabbiga sababo la xiriira sharad uu galay si taleefoon nuuca casriga ah uu ugu guuleysto.

“Waxaa laga rabay inuu dabaal wabbiga ku galo kagana soo baxo,” ayuu yiri qof ka mid ah,” dadka deegaanka oo la hadlay Hadalsame Media.

Waxay ahayd shalay abaaro 10-kii barqanimo sida ay sheegayaan dadka deegaanka xiliga wiilkaas isku tuuray wabbiga waxaana daawanayay dadwayne badan hase ahaatee mar kaliya ayaa miriq-diisa la waayay waxaana ka soo wareegtay saacaddo badan.

Ehelkiisa ayaa sheegay inay raadinayaan meydka wiilkooda, aysana fileynin inuu nool yahay, waxaase laga cabsi qabaa in Yaxaas uu qaatay.

Masuuliyiinta maamulka Hirshabelle ee degmada Balcad ayaa sheegay in wali uu socdo baadi goobka meydka, islamarkaana ay rajeynayaan in wabbiga uu soo tufo hadii uusan Yaxaas qaadin.

Cimriga wiilka waxaa lagu sheegay 18 sanno jir.

Hadalsame Media