SAWIRRO: Dimoqraadiga oo la wareegay Aqalka Hoose ee Koongarayska & Ilhaan Cumar oo taariikh dhigtay

0

(Washington, DC) 07 Nof 2018 – Xisbiga Dimoqraadiga ayaa la wareegay Aqalka Hoose ee Koongarayska markii ugu horreeysey muddo 8 sanadood ah taasoo u saamaxaysa inay jillaafeeyaan siyaasadda Trump, waloow ay ku guul darraysteen Aqalka Sare ee Senet-ka oo ay Jamhuurigu aqlabiyadda ku wadaan 51-44, doorashada dhexe ee Koongarayska.


Doorasha xilli-dhexaadka Maraykanka ayaa loo arkayay afti loo qaadayay madaxwayne Trump, waloow aanu doorasho usoo istaagaynin tan iyo 2020, waxaana muuqata inuusan shacbiyad badan haysanin, iyadoo ay Dimoqraadigu heli karaan in ka badan 35 kursi oo dheeraad ah oo Aqalka Hoose ah. Meelaha qaar weli laguma kala bixin.

Dhanka kale, waxaa wacdaro dhigay haweenka, gaar ahaan kuwa Muslimka ah oo ay laba gabdhood soo galeen Koongarayska, midi waxay ka socotaa gobollada Michigan iyo Minnesota waana dimoqraadiyiin, Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar, oo ku kala guulaystey degmooyinkooda.

Omar, ayaa marka laga yimaado inay tahay mid ka mid ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay Aqalka Koongarayska waxay sidoo kale noqonaysaa gabadhii ugu horreeysey ee Soomaali ah ee soo gasha Koongarayska Maraykanka.

Omar oo kasoo baxday Degmada 5-aad ayaa la wareegaysa kursigii wakiilka Minnesota ee Keith Ellison, kaasoo ahaa Muslimkii ugu horreeyay ee abid gala Koongarayska, balse iminka noqonaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota.


Hadalsame Media