BAADI YAAB LEH: Ilaalada Xeebaha Japan oo ku raad jooga ”Jasiirad luntay!” + Sawirro

0

(Tokyo) 06 Nof 2018 – Maalin kaa wareerta way kaa lumi kartaa boorso ama furayaal, balse waa adag tahay marka waxa lumay ay yihiin gasiirad dhan, waana waxa ay haatan ku howllan yihiin Ilaalada Xeebaha dalka Japan, kaddib markii maabka laga waayay jasiirad aan la degganayn oo la yiraahdo Esanbehanakitakojima oo dhacda xeebta woqooyi ee dalkaasi.

Qayb yar oo soo baxsan ayaa markii dambe laga helay meel 500 mitir u jirta xaafad la yiraahdo Sarufutsu oo ku taalla cirifka woqooyi ee Hokkaido island, sida lagu qoray warside maalinle ah oo la yiraahdo Asahi Shimbun.

Waxaa jasiiradda markii hore tebey nin qoraa ah oo la yiraahdo Hiroshi Shimizu, kaasoo dadka tusay buug ay jasiiraddu ku sawiran tahay, wuxuuna deeto dadkii degaanka ka dhowaa u sheegay arrinta kuwaasoo garaystay inay meesha jasiiradi ku oolli jirtey, sida ku dhigan Asahi Shimbun, balse ilaa iminka lama hayo.

Hadalsame Media