Maxaa ka soo kordhay Jahaweerarka Siyaasadeed ee maamulka koofur galbeed?

0

(Muqdisho) 07 Nov 2018 – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo kulul, iyadoona ay midiyaha isku soo feysanayaa Siyaasiinta ku loolamaya hoggaanka maamulka koofur Galbeed.

12 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay inaysan doorashadu dib uga dhici doonin waqtigii loo asteeyey ee 17ka bishaan, inkastoo 15 ka mid ah guddigaasi ay iscasileen.

Musharaxiinta ayaa wada kulamo kala duwan iyadoo xaaaladda Magaaladda ay tahay mid cakiran oo jawahaweer badan ka taagan yahay.

Madaxwaynaha watigiisu dhamaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka koofur galbeed uu ku cadaadinayo inuu iscasilo si qaska iyo fowda siyaasadeed cirka u sii gasho.

Lama oga sida ay noqon doonto mustaqbalka Koofur Galbeed laakin waxaa dadka ka hadla arrimaha siyaasadda ay sheegayaan in dowladda dhexe ay awood u leedahay inay faragaliso doorashada maamulkaasi haddii loo baahdo oo ay hoggaanka koofur galbeed ku fashilmaan inay qabtaan doorashada xiligeeda.

Hadalsame Media