Wefdi heer sare oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo berri Muqdisho imanaya

0

(Muqdisho) 06 Nof 2018 – Sida ay Wakaaladda SONNA u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda waxaa maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

Xigasho: SONNA

Hadalsame Media