DAAWO: Wiil da’yar oo hooyadii kula kacay fal aad looga argagaxay! (Sababta oo lala sii yaabay!)

0

(Volusia County) 06 Nof 2018 – Wiil yar oo reer Florida ah ayaa lagu eedeeyay dil darajada 1-aad ah oo uu kula kacay hooyadii oo uu ceego ku diley kaddib markii ay isku maan dhaafeen heerka shahaada iskuulkiisa oo D noqotay.

Wiilka, 15 jir, ayaa qirtay inuu hooyadii khaarajiyay oo la oran jirey, Gail Cleavenger, 46 jir, sida uu sheegay taliyaha booliiska degmada Volusia County, Mike Chitwood.

Wiilka oo maxkamadda kala soo muuqday labo wiil oo min 17-jirro ah, waloow aan la ogayn in isaga dembiga lagu qaadayo maadaama uu yar yahay, ayaa la sheegay in uu muranku bilaabmay kaddib markii ay hooyadu wacday ninkeeda – oo aan dhalin wiilka – oo howlo shaqo ugu maqnaa gobolka Washington State, iyadoo ku wargelisey natiijada shahaadada wiilkeeda.

Wiilka oo sheegay inuu ”caro” darteed falkaa foosha xun ugu kacay ayaa kaddib muranka oo dhacay 11 fiidnimo wuxuu soo galay qolka hooyada xilli ay ahayd 12:00 saq dhexe, wuxuuna deeto bilaabay inuu xarig ku ceejiyo hooyadii.

Wuxuu deeto ku riixay gaari gacan ilaa gaarigeeda, isagoo maydkii geeyay Kaniisadda River City Church isagoo halkaa ku aasay, wuxuuna kaddib allifey sheeko ah in gurigiisa loosoo dhacay isagoo kaalmo ka helaya labada wiil ee la eedaysan, wuxuu xilli dambe oo ay ahayd 3:52 subaxnimo wacay 911.

Hadalsame Media