DAAWO: Dadka Maraykanka oo u dareeray Doorashada Xilli-dhexaadka – LIVE

0

(Washington, DC) 06 Nof 2018 – Xiisadda ayaa cirka ku tolan maaddaama ay maanta codadkooda dhiibanayaan dadka Maraykanka oo u dareeray doorashooyinka labada aqal ee xilli-dhexaadka.

Waxaa loo tartamayaa dhamaanba 435 kursi oo uu ka kooban yahay Koongarayska Maraykanka iyo 35 ka mid ah 100 kursi oo Aqalka Senet-ka ah, sidoo kale waxaa la dooranayaa 36 barasaab gobol oo ka mid ah 50-ka gobol ee Maraykanka, iyadoo ay Jamhuurigu doonayaan inay aqlabiyaddooda xagsadaan, halka Dimoqraadigu ay ku falax gooddiyeen inay dadka ku hafin doonaan wax ay ugu yeereen ”moowjad buluug ah.”

Halkan TOOS uga daawo…

Tiiyoo doorasho dhexaadkani tahay tii ay iskugu soo bexeen dadkii ugu badnaa, misna ilaa 36 milyan oo codeeye ayaa qaab hordhac ah u codeeyay, marka la barbar dhigo 27 milyan codeeyay middii 2014-kii, balse sahan la sameeyay ayaa caddaynaya in 51% oo qur ihi ay iminka kalsooni ku qabaan dimoqraadiyadda Maraykanka.

Meelaha qaar ayaa Jamhuuriga lagu eedaynayaa inay caqabaad u dhigeen dadka laga tirada badan yahay si ay u codeeyaan, gaar ahaan, dadka madowga ah.

Waxaa sidoo kale gobollada qaar laga mamnuucay in ”selfie” la iska qaado xilliga codaynta waxaana ka mid ah: Alabama, Arizona, Florida, Georgia, Illinois, Iowa, Maryland, Michigan, Nevada, New Jersey, New York, North Carolina, Ohio, South Carolina, South Dakota, Tennessee, Texas, West Virginia.

Wixii kasoo kordha kala soco Hadalsame

Hadalsame Media