MAQAAWIIR MUSALLAFAY: Garsoore xukumay in baasaboorka lagala noqdo Ronaldinho!! (Sabab?)

0

(Brasilia) 06 Nof 2018 – Garsoore reer Brazil ah ayaa sida lasoo sheegayo xukumay in baasaboorka laga qaado laacibka Ronaldinho, kaasoo lagu leeyahay lacag dhan £1.75milyan oo gini.

Sida ku dhigan warqaadyo kasoo baxa dalka Spain, waxay maamulku khasnadda Ronaldinho ka heleen £5.24 oo gini, iyadoo uu Marca qorayo in Ronaldinho iyo walaalkii Roberto Assis lagu ganaaxey inay dhismo sharci darro ah ka sameeyeen dhul aan la ogolayn.

Waxaa dheer waloow ay bankiga dhigeen hanti ma guurto ah oo ay leeyihiin misna taasi way bixin wayday qaanta lagu leeyahay, dulsaarka oo aad u sarreeya dartii.

Ronaldinho oo horay ugusoo dheeley PSG, Barcelona iyo AC Milan, ayaa xilliyadii dambe ka galaa baxayay China iyo Japan oo uu todobaadyadii tegey u joogey arrimo iidheh la xiriira, iyadoo uu 38-jirkani si rasmi ah uga fariistay ciyaarta kubadda.

Hadalsame Media