DARAASAD: Cabitaan tamareedyada oo sababa cudurro halis ah!

0

(Houston) 06 Nof 2018 – Cabitaanka hal daasad oo ah cabitaanka tamarta kordhiya (energy drink) wuxuu kordhinayaa fursadaha wadne xanuunka iyo shallalka ee qofkaas, muddo 90 daqiiqo gudohood ah, sida ay sheegayso daraasad cusubi.

Cilmi Baarayaal ka tirsan jaamacadda University of Texas oo ku taalla caasimadda gobolkaasi ee Houston ayaa sheegay in cabitaannada noocan ihi ay yareeyaan xididdada, taasoo yareeynaysa qulqulka dhiigga ee xubnaha muhimka ah.

Daraasado hore ayaa cabitaan tamareedyo ay ku jiraan – Red Bull, Monster iyo 5-Hour Energy – la xiriirinayay xanuunno dhanka caloosha, neerfaha iyo wadnaha ah.

Yeelkeede, daraasaddan cusub ayaa si toos ah u abaaraysa in cabitaannada noocan ah oo la daa’imaa ay keenaan jirrooyinka wadne xanuunka, shallalka iyo kuwo dhanka dheefsiga ah (metabolic).

Hadalsame Media