QISO QADARIN MUDAN: ”Indheheeygu 70 sano bilaash ayay ii ahaayeen, haddana 10 daqiiqo ayaa lacag la iga rabaa!!”

0

(Hadalsame) 02 Nof 2018 – Nin oday oo 70 jir ah ayaa u tagay dhakhtar indhaha wuxuuna ka cabanayay dhinaca araga, iyo xanuun badan oo wakhtigaasi ka hayay indhaha.

Dhakhtarka ayaa markiiba gartay xanuunkiisa oo ka daweeyay, ka dibna wuxuu u qoray warqadii uu lacagtii ku bixin lahaa, si uu ugu dhiibo lacag hayaha xarunta.

Laakiin odayga markii uu warqadii u dhiibay ee uu eegay ayuu ooyay ama ilmeeyay. Ka dibna dhakhtarka ayaa ku yiri haddii ay lacagtu kugu badan tahay waan ka dhimayaa ! laakiin Odaygu muu joojin oohintii! Haddana mar kale ayuu dhakhtarku ku yiri iska dhaaf lacagta oo iska tag. Weli Odaygu oohintii iyo calaacalkii muu joojin.

Dhakhtarka ayaa ku yiri oo haddii aan kaaba daayay kharashkii gebi ahaantiis maxaad la ooyaysaa adeer?

Odaygii Waxaa uu ugu jawaabay “70 sano oo aan wax ku arkayay oo ay xoog lahaayeen ayay bilaash ii ahaayeen,10 daqiiqo oo aan kula joogayna lacag bay noqotay, waxaan xusuustay Allaha (sw) mudadaasi dheer ee ay awoodda lahaayeen bilaashka iiga dhigay”

Xigasho: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media