(Eindhoven) 02 Okt 2018 – Booqdayaal ku sugnaa xerada xayawaanka Dierenrijk, oo ku taalla dalka Netherlands, ayaa marqaati ka noqday weerar cunfi ah oo lagu qaaday yeey dhaddig oo ay iyadoo nool kala goosteen 4 madax kuti.
“Yeeydan oo 2 sano jir ahayd waxay markii weerarku dhacayay kasoo baxaysay biyo meesha ku jira iyadoo ay yeey kale la socotey,” ayuu afhayeenka xeradani u sheegay NL Times.
Weerarkan ayaa ka dhacay xerada Mierlo oo u dhow magaalada Eindhoven, iyadoo ay booqdayaashu u qayliyeen dadka xerada nidaamiya, balse waxay ahayd xilli aan waxba laga gaarin oo yeeydii la cunay.
View this post on Instagram
Hadalsame Media