Zimbabwe oo sheegtay in dalkeeda SALIID laga helay!

0

(Harare) 02 Nof 2018 – Madaxwaynaha Zimbabwe ee Emmerson Mnangagwa ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa laga helay saliid gaar ahaan biyaleeyda Muzarabani ee woqooyiga dalkaasi, sida ay soo tweet gareeysay Wasaaradda Warfaafinta dalkaasi.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in barnaamijkan ay la kaashanayaan hay’adda tamarta Australia ee Invictus:

Warkan ayuu madaxwaynuhu ku sheegay inay weli deg deg tahay in laga hadlo ceelal la helay, balse ay ay baaristu socoto rajaduna ay fiican tahay marka ay timaado helitaanka saliid fara badan oo dhoof geli karta.

Wasiirka Qodaalka Zimbabwe ee Winston Chitando ayaa sheegay in ay howshu bilaabmayso 2020, iyadoo ku kacaysa $20m (£15.35m), isagoo ku dooday inay noqon doonto kaydka saliideed ee Afrika ugu ballaaran dhanka dhulka.

Invictus oo adeegsanaysa xogo ay horay u ururisay Mobil Oil sanadihii 1990-meeyadii, ayaa sheegtay inaan weli saliid rasmi ah la helin, balse ay rajadu aad u sarreeyso maxaa yeelay biyoleeyda Muzarabani waxay juqraafi ahaan u qaab egtahay meelaha saliidda laga helay ee Uganda iyo Kenya.

Hadalsame Media