Wax ka ogow safarka Madaxwayne Farmaajo ee Koofurta Suudaan

0

(Muqdisho) 31 Okt 2018 – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Juba ee Koonfurta halkaasi oo uu kaga qayb galayo dhamaystirka heshiiskii ay gaareen dhinacyada isku haya dalkaas.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgali doona madax fara badan oo kale waana xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacaysa magaalada Jubba taas oo lagu wado in lagu soo afjaro kala qayb sanaanta mudada dheer u dhaxaysay dhinacyada siyaasada ee dalkaasi Koonfurta Suudaan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka marqaatiga ka noqon doono heshiiska taariikhiga ah ee lagu wado in lagu dhaystiro magaalada xarunta u ah dalka Koonfurta Suudaan.

Hadalsame Media