Ciidamada xoogga dalka oo looga digay inay ku milmaan loolanka siyaasadeed ee ka socda Baydhabo

0

(Muqdisho) 31 Okt 2018 – Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bay ayaa ciidamada dowladda uga digay inay wax lug ah ku yeeshaan doorashada lagu wado in 17-ka bisha November ee nagu soo fool leh ay ka dhacdo Magaaladda Baydhabo.

General Ibraahim Yarow Isaaq oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku amray in aysan qeyb ka noqon arrimaha doorashada iyo loolanka u dhaxeeya siyaasiinta gobolka.

“Saraakiisha, saraakiil xigeenka, iyo ciidamada waxaan amrayaa in aysan tagi karin doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, annnaga shaqadeena waxay tahay ammaanka, askargii lagu arka isaga oo ku milmay doorashada talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa”. ayuu yiri General Ibraahim.

Waxaa uu sheegay in ciidamadu ka madaxbanaan yihiin arrimaha siyaasadda oo ay tahay inay ku mashquulaan amniga guud dalka.

Doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo ayaa sanadkaan ah mid aad u xiisa badan waxaana halkaasi ku loolamaya siyaasiin saameyn mug leh ku leh siyaasadda gobolka iyo guud ahaan tan Soomaaliya.

Hadalsame Media